Hayaan INC ( KZYS 1O5.1 FM ) St.Cloud Somali Community Radio.

Breaking News

St.Cloud : Doorashadda Guud waxay bilaabmaysaa Maalinta Jimcaha Ee Sept.18.

Dadku waa ay Codayn karaan. Doorashadda Guud Ee November laga bilaabo maalinta Jimcaha ah Ee Sept. 18.

Dadka ku dhaqan degmadda Stearns waxay bilaabi karaan codaynta doorashadda maalinta isniinta ah ilaa Jimcaha. waxay ka codayn karaan Xafiiska Degmadda Ee ku yaal Waite Park. Cinwaanka waa

Stearns County Service Center
3301 County Road 138,
Waite Park, MN 56387 
8 am – 4:30 pm, Monday through Friday 

Siddoo kale dadka waxay ka codayn karaa Xafiiska Maamulka Magaaladda St.Cloud.

St. Cloud City Hall

1201 7 th Street South

St. Cloud.

Meelaha laga Codaynayo waxay dadka siin doonaa waqti dheeraad ah.

Qofka raba in uu warqada codaynta loo soo diro si uu codkiisa ku dhiibto. wuxuu soo booqan karaa Website-ka mnvotes.gov. https://www.sos.mn.gov/elections-voting/ ama wuxuu la xiriir karaa degmadda Stearns County Xafiiska Hanti dhowraha ama Qasnajigga. Sidoo kale warqadada aad ku codaysay waxaa kala socon karaa dhanka online-ka.

Both locations also will have extended hours Oct. 24, Oct. 27, Oct. 31, Nov. 1 and Nov. 2.

Labadda meel ee Xafiiska Degmadda waxay furnaan doonaan waqti dheeraad ah Bisha Oct 24, Oct 27, Oct 31, Nov,1 ama Nov. 2.

Meelaha kale ee laga codayn karo waxa ka dheehan kartaa shabakadda Stearns County’s early voting information.

wixii intaa dheeraad ka ah waxaa la xiriir kartaa ( elections@co.stearns.mn.us)

https://www.stearnscountymn.gov/vote-early-by-absentee

VOTING INFORMATION

Warbixinta Codaynta.

Goobta aad ka codaynsid

How to find your polling place: pollfinder.sos.mn.gov

Qofka Musharaxa ah.

What’s on my ballot: sos.mn.gov/elections-voting/whats-on-my-ballot

Siddee la iska diiwan galiyaa.

How to register to vote: sos.mn.gov/elections-voting/register-to-vote

  • Hayaan INC ( KZYS 1O5.1 FM )
    St.Cloud Somali Community Radio.