Hayaan INC ( KZYS 1O5.1 FM ) St.Cloud Somali Community Radio.

Breaking News

( Sawiro ) Banaanbax lagu taagerayay Maxamed Yusuf.

Maalintii Sabtidda Ee aan soo dhaaftnay, Waxaa ka dhacay Magaaladda Minneapolis, Ee Gobolka Minnesota banaanbax lagu taagerayay dhibane Maxamed Yusuf, Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabayay Ha’adda U dooda arimaha bulshadda Muslimiinta Maraykanka iyo Ha’addo kale. Bananbaxan waxaa ka soo qayb galay dad badan oo kala duwan oo watay bodhadh ay ku qoran yihiin in “Cadaaladda ayuu u baahan yahay Maxamed Yusuf. Maxamed yusuf wuxuu ahaa Darwal gawaaridda Ubarka, waxaa dhibaato u gaystay Eedeysane Samit Apurva Patel. Sidda uu xaqiijiyay walaalkii oo ku jiray qadka telefoonka markii ay arinka dhacaysay ayaa wuxuu sheegay in uu maqlay in Patel uu waydiiyay Magacaga Darawalka ka dib markii uu u sheegay in Magaciisu yahay Maxamed yiri ” ma jecli magaca Maxamed” ka dib weerarka gacan aad qaad ah u sameyey. Maxamed ayaa ka soo gaaray dhibaato aad u wayn oo ilaa iyo hadda uu ku jiro cisbitaalka.

Dowladda Gobolka Minnesota ayaa ku eedeysay Patel danbiga darajadda labaad ee ah isku day dil iyo Gaariga uu ka dhacay. Patel hadda waxa uu joogaa banaanka ka dib markii uu damaanad 800kun dhigay. Ha’adda u dooda xuquuqda dadka ayaa waxay sheegeen in arinka uu yahay mid salka ku haya danbi nacayb ah. balse ha’ada kale ee dowladda sidda FBI iyo Wasaaradda Cadaaladda waxa baaritaan ah kuma samayn arinka.

  • Hayaan INC ( KZYS 1O5.1 FM )
    St.Cloud Somali Community Radio.