Breaking News
  • ( Sawiro ) Waalidiinta St.Cloud oo u mahad celiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Iskuuladda Magaaladda.

    ( St.Cloud ) Kulan lagu qabtay Maktabadda Magaaladda St.Cloud ayaa waxaa loogu mahad celiyay qaar ka mid ah shaqaalaha dugsiyadda Magaaladda St.Cloud Ee Distrist 742. Waalidiinta ayaa waxay u mahad celiyeen Deeq Maxamuud Iyo Abdi Hassan oo ka mid ah shaqaalaha Dugsiyadda Magaaladda St.Cloud. Waalidiinta ayaa ugu mahad celiyay labaddan masuul iyaga uga mahad celiyay in ay aad u garab istageen waalidiinta iyo ardayda. Siddoo kalana ay sabab u ahayeen in ardaydu ay waxbarashadda ku guulaystaan. Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa xusay in sanadka qaar ka mid ah ardayda ay collage ka dhiganayeen iyaga oo wali dugsiga sarre ku jira. kulanka ayaa waxaa waalidka kala shaqeeyay fadumo cukaashe iyo Fartuun. wuxuuna ahaa kulankii ugu horeyay ee loogu mahad celiyay dadka waxtarka u ah bulshadda ku dhaqan Magaaladda St.Cloud.

    Hayaan INC ( KZYS 1O5.1 FM )
    St.Cloud Somali Community Radio.